HOOBIYE KU HABSADAY GURI WASIIR.

SAWIRKA GOOBIHIU KU DHACAY HOOBIYAHA.

(MUQDISHO)-Maqribnimadii shalay oo Axad ahayd magaaladda Muqdisho waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday Hoobiyeyaal weerarkaan ayaa lala beegsaday xarunta looga arrimo dalka ee Villa Somalia balse Hoobiyeyaasha la soo tuuray ayaa waxa ey ku habsadeen guryo shacab ey degan yihiin kuna kala yaalo degmooynka Warta Nabadda iyo Boondheere dadka shacabka ah ee wax ku nqoday Hoobiyeyaasha ayaa la soo sheegay ineey gaarayaan shan qofood. Dhinaca kale,weerarkaan loo adeegsaday Hoobiyeyaasha ayey wax ka soo gaareen guriga Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed waxaane guriga Wasiirka ku dhacay hal hoobiye waxaane ku geeriyooday laba qofood uu ka mid yahay taliyihii ilaalad guriga Wasiirka laguna magacaabo Axmed C/laahi Muumin waxaane ku dhaawacmay laba kale oo ka tirsan ilaada Wasiirka lana kala yiraahdo Mahad Adan Boraw iyo Muuse Cadde. Guriga uu deganaay Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xidh.C/risaaq ayaa ku yaalo bariga Villa Somalia waxa uuna ku dhaw yahay HOTE VILLA REYS kaaso kooxda Khawaarijtu ey horay u weerartay.

ISHA SBM.

Previous
Previous

IMAAM MASJID OO LAGU MINDIYEY…

Next
Next

5-QOFOOD OO KU DHIMATAY TOOGASHO…