5-QOFOOD OO KU DHIMATAY TOOGASHO…
SAWIRKA OLD NATIONAL BANK.
(LOUISVILLE-KY)-Ugu yaraan shan qofood ayaa lagu dilay waxaane lagu dhaawacay sideed qofood oo kale ka dib markii ey toogasho ka dhacday gudaha Bank ku yaalo caasimadda gobolka Kentucky ee Louisville dalka Maraykanka subaxnimadii hore maanta oo Isniin ah(10/4/23)-ka,qofka gaystay toogashada ayaa isna ku dhintay isla goobta sidaas waxaa sheegay booliska. Paul Humphrey oo ah ku xigeenka taliyaha Waaxda booliska caasimadda Louisville ayaa sheegay in booliska la soo wacay saacadu markeey ahayd 8:30-Aroornimo waqtigaaso ey bilaabatay toogashada ka dhex dhacday “Old National Bank”waxa eyna boolisku gaareen goobtii laga wacay “Boolisku waxa ey la kulmeen markey soo gaareen goobtii laga soo wacay ninkii hubaysnaay oo weli wada toogashada” taliye ku xigeenka ayaa sheegay in boolisku aysan hayn magaca nin gaystay toogashada iyo waxyaabaha ku hareereysan dhimasadiisa.
ISHA WARLA NY.