Hogaamiyihii Janjawiid oo ….
Cali Qubaysh oo ahaay hogaamiyihii maleshiyaadka Janjanwiid ee dalka Suudan ayaa waxa uu isu dhiibay maxkmadda caalamiga ah ee dembiyadda(ICC) ka dib markii uu dhuumaalaysanaayey muddo dhan seddex iyo toban sano.
Cali Qushayb ayaa ku eedaysan konton dembi dagaal oo lid ku ah bani’aadanimadda eeyna ka mid tahay dil,kufsi,handadaad iyo bililiqaysi hanti dad shacab ah eey leeyihiin,mana jirto taariikh loo xadiday goorta Cali Qubaysh la horkeenaayo maxkamadda caalamiga ee dembiyadda(ICC),haddii Cali Qushayb eey ku cadaadaan dhammaan dembiyadda lagu soo eedeeyey waxa uu mutaysan doonaa xabsi daa’in. Cali Qushayb oo baxsad ahaay ayaa laga soo xiray Jamhuuriyadda Afrikada dhexe meel u dhaw xuduudka eey laleedahay dalka Suudaan,waxaane eedaysane Cali Qushayb loo gudbiyey dalka Holland shalay oo ahayd Talaado kuna beegneed 9/6/2020-ka,Cali ayaa hadda ku jiro gacanta maxkamadda caalamiga ee debiyadda(ICC) mana la yaqaano goobta lagu haayo waxaase loo malayhaa in lagu haayo Hague.
Dembiyadda uu ku eedaysan yahay Cali Qushayb ayaa dhacay sannadadii 2003-dii iyo 2004-tii marka loo eego garsoorayaasha maxkamadda caalamiga ee dembiyadda(ICC) waxa eey Cali ku tuhmaayaan inuu ahaay hogaamiyihii maleeshiyaadka eey taageerto dawladda Suudaan loona yaqaan JINJAWIID ee la dagaalamaayey falaagadda reer Daar fuur. Falaagadda Daarfuur ayaa dagaal dhuumaalaysi ah kaga soo horjeedeen dawladda Suudaan sannadkii 2003-dii,dawladda Suudaan ayaa midab kala sooc ku samaysay dadka dego Daarfuur ee ah kuwa asalkooda uusan ahayn mid ka soo jeedo Carab.
Dagaalka eey ku qaadeen Daarfuur maleshiyaadka eey taageeraysay dawladda Cumar Albashiir ee Janjawiid ayaa waxaa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay inta u dhexeyso 200,00 ilaa 300,00 waxaane guryahooda ka barakacay dad dhan 2.5-milyan dilka ka dhacay Daarfuur ayaa ahaay dil wadareed loo gaystay dadka dego Daarfuur ee dhacda galbeedka dalka suudaan,arrintaan ka dhacday Daarfuur ayaa qeyb ka ah dembiyadda loo heesto madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Albashiir oo hadda ku jiro xabsi iyo rag kale oo ka tirsanaay xukuumadiisa.