HOGAAMIYEYAASHA SOOMAALIDA OO WADA HADAL MUHIIM AH KA LEH DOORASHADA.
Waxaa maanta si rasmi ah magaaladda Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni uga furmay shir u dhexeeyo DFS iyo shanta dawlad goboleed,shirkaan waxaa garwadeen ka ah RW-Rooble kaasoo uu Farmajo ku wareejiyey labadii bishaan Meey masuuliyadda doorashadda iyo amniga doorashaddaba. Arrimaha ugu muhiimsan ee laga filaayo shirkaan ineey ka soo baxaan ayaa ah in dalku si dhaqsi ah u aado doorasho wada ogol ah eeyna ku qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada daneeyo siyaasadda soomaaliya,tusaale ahaan qodobadda ugu muhiimsan loona baahan yahay in xal kama dambaysa laga gaaro ayaa kala ah:
1-Arrinta Gobolka Gedo ee uu ku dheganaay Farmaajo.
2-Gudiga doorashooyinka ee heer Qaran oo aan lagu wada kalsooneeyn.
3-Arrinta soomaaliland cidda looga dambayhaayo doorashadeeda.
4-Sugidda amniga doorshadda cidda u xilsaaran.
Warar hordhaca oo eey heshay warbaahinta SuuqBacaad Media ayaa shegaayo in arrinta Gedo la soo bandhigay in looga gudbi karo in dhammaan maamul goboleedyadda yeeshaan hal degaan doorasho oo ah caasimadahooda eey hadda ku hawlgalaan meeshana lga saaro laba degaan doorasho uu yeesho halkii maamulba.Arrinta soomaaliland ayaa ayadana la soo sheegayaa in lagu wareejiyo Cabdi Xashi gudoomiyaha aqalka sare iyo RW-ku xigeenka Mahad Guuleed soona dhisaan gudi eey iyaga ku kalsoon yihiin soona xula xildhibaanadda goboladda waqooyi ee soomaaliya.Arrinta amniga ee goobaha doorashada ka dheceyso waxaa miiska saaran in amniga eey sugaan ciidamo isku dhaf ah kana kala socdo DFS,maamul gobleedka iyo Amisom,waxaase jirto arrin uu balan qaaday RW-rooble oo ah inuu kala diraayo gudiga doorashooyinka qaranka ee uu dhisay Farmaajo lana soo dhisaayo gudi isku dhaf ah laguna wada qanacsan yahay,arrimahaan oo dhan ayaa soo shaaci bixi doono inta ka horeeyso dhammadka asbuucaan.XIGASHO DAILY MAIL.