HOGAAMIYAHA DAACISH C/QAADIR MUUMIN WAA…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA DAACISH.
(PUNTLAND)-Maalmo ka hor ayey ahayd markii kooxda Daacish ee ku sugan degaanadda Puntland ey weerar xoogan ku soo qaadeen Ciidamadda Maamulka Puntland kuwaaso ku sugnaay halka loo yaqaano Dharjaale,weerarkas ayaa waxa uu geystay khasaare soo kala gaaray labad dhinac,in kastoo aan la sheegi karin inta uu la eg yahay. Dagaalkaas ayey Puntland ka sheegatay iney ka gaartay guulo isla markaasne ey dishay Maleeshiyaad fara badan kana tirsan kooxda Daacish. Si kastaba ha ahaatee,dagaalka u dhexeeyo Daacish iyo maamulka Puntland ma aha mid hadda bilawday oo waa mid soo jireen ah waayo Daacish ma joogaan dhulka Soomaaliyeed intiisa kale oo waxa ey degan yihiin Buuraha Boosaaso ee G/Bari ee maamulka Puntland. In Daacish degto Buuraleyd Puntland waxaa u sahlay Juqaraafiga dhulka oo waxa ey ka soo geli karaan dhinacyo badan sida bad iyo berriga,tusaale ahaan dhinaca badda Yeman ayey ka imaan karaan halka dhulka ey ka imaan karaan dalakka Bariga Afrika sida Kenya,Tanzaniya,Itoobiya iyo Jabuuti. C/qaadir Muumin,waa Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Soomaaliya,waane ninka ugu xooga badan Daacish-ta hadda ka jirta adduunka sida ku cad warbixin lagu daabacay bogga Tv-ga AL-Carabiya.Net,warbixintaan ayaa sheegeyso iney u badan tahay in C/qaadir Muumin oo leh Gar leh midabka Burtuqaalka kaaso lagu dheehay Cilaanka uu noqday ninka ugu awooda badan Ururka Daacish xitaa haddii uusan si rasmi ah u haynin xilkaas,sidaas waxa sheegay falaqeyeyaasha.
ISHA-AL-ARABIYA.