ASKAR LAGA DILAY ISBAHAYSIG JOOGO CIRAAQ.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA MARAYKANKA EE JOOGO SURIYA.

(IRAQ/SYRIA)-Taliska dhexe ee Ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in hawlgaladda Mileteri ee ka dhanka ah Daacish/ISIS ee Ciraaq todobadii maalmood ee la soo dhaafay lagu dilay xubin ka tirsan Isbahaysiga. “Hal xubin oo ka tirsan Isbahaysiga ayaa la dilay,laba kalane waa la dhaawacay kuwaaso ka soo jeeda laba dal oo kala duwan”. Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in hawlgalka laga fuliyey dalalka Ciraaq iyo Suriya mudadii u dhexeysay 30/12/24 ilaa 6/1/2025-ka iyadoo ey wehliyaan ciidamada dalalkaasi. Gen.Miheal Erik kurilla oo ah taliyaha CENTCOM ayaa sheegay in hawlgalada la iska kaashanaayo waxa ey umuhiim u yihiin si looga hortago in kooxda Argagixisada Daacish/ISIS ey ka faa’iideysato isbedeladda Aminga ee Gobolka. “Guul darada joogtada ah ee ISIS waa dadaal caalami ah oo ku tiirsan Isbahaysiga,xulafad iyo saaxibadda Gobolka. Taliska dhexe ee Ciiamadda Maraykanka CENTCOM ayaa weli ey ka go’an tahay inuu si ba’an u baacsado Argagixisada khatarta ku ah Gobolka,Xulafadayda iyo Muwaadiniinta”ayuu yiri Micheal Erik.

ISHA-AA.

Previous
Previous

IRAAN OO QIRATAY JABKII KU GAARAY SURIYA.

Next
Next

HOGAAMIYAHA DAACISH C/QAADIR MUUMIN WAA…