HAYADDA OXFAM OO KA DAYRISAY XAALADDA…
(SAWIRKA)-ROOBABKA EL NINO EE BARIGA AFRIKA.
(ADDIS ABABA)-Wararka aan ka helayno caasiadda Dawladda Federaalka Itoobiya ee Addis Ababab ayaa sheegaayo in Hayadda Samafalka Caalamiga ah ee OXFAM ayaa ka digtay la’aanta taageero caalamia ah oo ku filan dalalka Bariga Afrika ayadoo Roobabka EL Nino ey dhibaato ba’an ku hayanaa Gobolka Bariga Afrika. “Roobabka culus ee EL Nino iyo Daadadka Xoogan ee ku dhuftay Gobolka Bariga Afrika ayaa dilay dad gaaraayo ilaa 130-qofood kuwaaso ku kala nool dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya ayadoo Gobolka Geeska Afrika uu weli la ciirciiraayo mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa muddo 40-sano ah”, Hayadda OXFAM ayaa sidaas ku sheegtay war saxaafadeed ey soo saartay laguna daabacay shabakadeeda xilli dambe maalintii Talaadada.
ISHA/NEW VISION.