HAYADDA LAANQEERTA CAS OO KAALMO…

SAWIRKA ABIY.

(ADDIS ABABA)-Hayadda Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah(ICRC) ayaa sheegtay in gaadiid siday daawo uu gaaray gobolka Tigray caasimadiisa ee Mekele shalay oo Talaado ahayd,waane gargaarkii ugu horeeyey oo gaaray gobolka Tigray caasimaddisa Mekele tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo dawladda Itoobiya iyo jabhadda Tigray TPLF ee maamusho gobolkaas.”Waa kaalmo aad u weyn oo aan gaarsiinay gobolka Tigray,hayadaha caafimaadka ee ka hawlgala gobolka Tigray waxaa saarnaay cadaadis aad u sareeyo daawadaan gaartayne waxa ey badbaado u noqon doontaa nolosha dad badan oo u baahan kaalmo daawo”sidaas waxa yiri Nicolas Von Arx oo ah madaxa wafdiga Ururka Laanqeerta Cas ee adduunka(ICRC) ee dalka Itoobiya.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DRONES-KA IRAAN OO WEERARAY..

Next
Next

KENYA: DAD KU DHINTAY DHISMO SOO DUMAY.