DRONES-KA IRAAN OO WEERARAY..
(DUBAI)-Markab weday shidaal uuna iska leeyahay maalqabeen reer Israel ah ayaa waxaa lagu dhuftay gentaal eey soo riday diyaarad nuuceedu yahay kuwa aan duuliyaha wedin ee DRONES-ka isagoo maraayey meel u dhaw xeebaha dalka Cumaan,weerarkaan ayaa ku soo beegmaayo waqti ey aad u kacsan tahay xiisadda colaadeed una dhexeyso Iraan iyo Israel,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheegay masuuliyiin reer Cumaan ah. Dhinaca kale,dalka Giriiga ayaa sheegay in dalkaasi Iraan uu sii daayey laba markab oo qaada shidaalka uuna leeyahay dalka Giriiga eyna qabteen ciidamadda ilaalada xeebaha dalkaasi Iraan bishii May-2022-ka.
ISHA WARKA AP.