Madaxweyne Farmaajo oo lagula dhegan yahay xeerka saxaafadda.

Seddex hayadd oo kala ah Amnesty International,Commitee to prtects journalists iyo Human Rights Watch ayaa waxa eey eedeeyn u soo jeediyeen Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,eedeynta seddexdaan hayadood ayaa salka ku hayso xeer uu dhawaan saxiixay Farmaajo kuna saabsanaay saxaafadda dalka somaaliya,markii la dejinaayey xeerka saxaafadda soomaaliya ma jirin wax wada tashi ah oo lala sameeyey ururada saxaafadda soomaaliya,warbaahinta madaxa banaan iyo bulshadda rayidka ah ee soomaaliyeed,intiisa badan xeerkaan saxaafadda ayaa waxaa lagu soo diyaariyey xafiiska warfaafinta ee madaxtooda soomaaliya ee waqtigaas madax ka ahaay wiilka sida aadka u neceb warbaahinta madaxa banaan ee la yiraahdo C/nuur kaaso hadda loo bedelay amaba loo magcaabay agaainka madaxtooyadda soomaaliya. Soomaaliya waxaa ka hawlgalo warbaahin madax banaan oo si gaara loo leeyahay kuwaasoo soo tebiya wararka eey ka gaabsato sheegidooda warbaahinta dawladda federaalka soomaaliyeed,waxaane dhacday in wariyeyaasha ka hawlgala warbaahintaas loo gaysto xarig iyo jirdil marka eey gudanayaan waajibaadkooda shaqo tusaale ahaan wariye C/casiis Gurbiye iyo wariye Abuuja waa la xiray waxaane loo xiray maxaad uga hadasheen wax eeysan dawladda raali ka ahayn in la sheego.

HALKAAN KA AKHRISO WARKA OO DHAN

Previous
Previous

Waa kuwee wasiiradda eey taabatay wareegtadii R/W-Rooble.

Next
Next

DAGAAL DANLEY WADATO.