GUD.SHUTE IYO SHABAKADII HALAAGTAY DADKA REER MUQDISHO.

(SAWIRKA)SHABAKADII HALAAGTAY DADKA.

(MUQDISHO)-Dhawrkii sano ee la soo dhaafay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxa ey ahayd goob ey ka dhacaan dilal Qorsheysan iyo Qaraxyo dad fara badan ey ku hoobtaan,kooxda AL-shabaab ayaa inta badan sheegata dhibaatada soo gaarta dadka shacabka ah ee ku waxyeelooba Qaraxyada gaysta Halaaga ba’an. In banaanka caasimadda Muqdisho laga soo qorsheeyo Qaraxyada waxay ahayd mid la wada ogaay balse la iska indha tiraayey,in Qaraxyada wax laga qabatane qorshaha uguma jirin dawladdii Farmaajo hogaaminaayey oo waxaba lagu xaman jiray iney kooxda AL-shabaab gacasaar la leedahay oo waxaa loogu yeeri jiray Laba AL-shabaab. Doorashadii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dagaaalkii uu iclaamiyey,magacaabistii Mahad Salaad ee NISA waxaa banaanka soo baxay waxyaabo qarsoonaayey wax weyne ka bedelay Amnigii caasimadda Muqdisho. DFS waxa ey ku guulaysatay iney si sahlan u soo bandhigto shabakado isku xiran kana wada hawlgala caasimadda Muqdisho,shabakadahaan midba hawl gaar ah ayey AL-shabaabu qaabilsaneed iney u fuliso,degaanka Ceelasha-Biyaha waa saldhiga isdhaafsiga Xogaha,Qaraxyada iyo Isgaarsiinta,laguma baraarugsaneyn arrinkaan ka hor inta NISA helin Xogahaan Xasaasiga ah.Bal ila daawo Video-gan laga soo diyaariyey Shabadaha halaagay dadka reer Muqdisho.

ISHA.CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

GABAR EY DHASHAY ILHAN CUMAR OO LAGA JOOJIYEY…

Next
Next

SHEEKH TAAGEERAY ALSHABAAB OO LA KEENAY MUQDISHO.