GABAR EY DHASHAY ILHAN CUMAR OO LAGA JOOJIYEY…

(SAWIRKA)-ISRA XIRSI.

(NEW YORK)-Gabar ey dhashay Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa sheegtay iney ka mid ahayd seddex arday oo laga joojiyey Kuliyadda Barnard ka dib markii uu dhacy dibad bax Falastiin lagu taageeraayo oo ka dhacay Jaamicadda Columbia. Isra Xirsi oo ey dhashay Xildhibaanad Ilhaan Cumar waxay barteeda X ku qortay iney tahay Qaban-Qaabiye ka socdo Jaamicadda Columbia Apartheid Divest taaso u ololoneysa in Jaamicadda ey baxdo “shirkadaha ku lugta leh Xasuuqa”. “Hadda waxa aan helay Ogaysiis ah inaan ka mid ahay seddex arday oo shaqada looga joojiyey garab istaag reer Falastiin Xasuuqa ey wajahayaan”ayey qortay Isra Xersi maamlintii shalay oo Khamiis ahayd,Isra oo ah gabar yar ayaa sheegtay in aaney weligeed hore loo canaanan ama aaney wax digniin ah ka helin Kuliyadda Barbard intii ey wax ka baraneysay. Booliska ayaa xiray Khamiistii shalay xero ku meel gaar ah oo laga sameeyey afar geesoodka Jaamicadda. Madaxweynaha Jaamicadda Columbia Minouche Shafik ayaa warqad uu u diray booliska New York ku weydiistay iney gacan ka gaystaan sidii dadka looga saari lahaay isagoo ku eedeeyey ku dhawaad boqol mudaaharadayaal ah iney farageliyeen hawlaha Jaamicadda eyna ku guul dareysteen iney u hogaansamaan siyaadsaha Jaamicadda waxa eyna wax u gaysteen hantida Jaamicadda.

ISHA/CBS-NEWS.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

DAD LA LA’AA OO MEYDADKOODA LAGA DHEX HELAY GAARI.

Next
Next

GUD.SHUTE IYO SHABAKADII HALAAGTAY DADKA REER MUQDISHO.