GUDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGACABAY AKADEEMIYADDA..
(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA AKADEEMIYADDA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamsa Cabdi Barre uu si toos ah u soo farageliyey xiisad xoogan oo ka taagneed Lahjadda Maay-ga taaso uu ka hadlay Agaasimaha Akadeemiyadda Qaranka Md.MAAX,arrintaan ku saabsan lahjadda Maay-ga ayaa salka ku hayso Dastuurka KMG ah ee JFS waxa uu ka qabo lahjadda Maay-ga,Md.Maax ayaa sheegay in dastuurka laga saaro lahjadda Maay-ga waane tan keentay dooda xoogeeda. RW-Xamsa oo ka jawabaayo falcelinta ka dhalatay arrinkaasi ayaa sababatay in xilka laga qaado maanta Gudoomiyaha Akadeemiyadda Cilmig,Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed Md.C/qaadir Maxamed Xuseen(Maax),waxaane xilkaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimihii Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare Md.Ismaaciil Yuusuf Cismaan.
ISHA/CAASIMADDA.