GUDOOMIYAHA GOBOLKA MICHIGAN OO…

(SAWIRKA)-WAA GOBOLKA MICHIGAN.

(MICHIGAN)-Duqa magaaladda Dearbon ee Gobolka Michigan ee dalka Maraykanka oo ah halka ey ku badan yihiin dadka Carabta-Maraykan ah ee ku nool gudaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in Booliska Maxaliga ah ey xiri doonaan Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu haddii uu cagta soo dhigo magaaladdan. Reysal Wasaare Netanyahu, Wasiirkii hore ee Difaaca Isra’iil Gallant iyo Deyf oo Xamaas ah ayaa dhammaantood lagu soo eedeeyey iney galeen dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan Bani’adanimada,waxaa kaloo jira tacadiyo ey geysteen tan iyo markii uu dhacay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii,waxaane ka dhashay weerarka weli socdo ey Isra’iil ku hayso Marinka Gaza. Dalka Maraykanka ayaan aqoonsaneyn Maxkamada ICC waayo ma uusan saxiixin Heshiiskii Rome kaaso ahaa midkii lagu aas-aasay Maxakmadaan sannadkii 1998-dii,waxaane xubno ka ah Maxkamadda ICC ilaa 125-dawladood oo ey ku jiraan Ingiriisk,Kanada iyo Ururka Midawg Yurub.

ISHA-MEE.

HAKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

GEN.AKOL OO LA DILAY KA DIB AFGEMBI UU ISKU DAYEY.

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA EE XFS OO ANSIXISYEY…