GOLAHA WASIIRADDA EE XFS OO ANSIXISYEY…

(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRAA EE XFS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey maanta oo Khamiis ah yeesheen kulankoodii caadiga ahaa,kulanka maanta dhacay ayaa lagu Ansixiyey soo jeedinta Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee ah Magacaabista Agaasimaha Guud ee Hayadda Qorsheynta Qaranka Dr.C/salaan C/raxmaan Maxamed. Shirka uu shir Gudoominaayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay Warbixino kala duwan oo ku saabsan Amniga dalka,Keydinta Bacrimiyeyaasha Beeraha iyo Horumarinta daryeelka Caafimaad dalka. kulanka ayaa waxaa goobjoog ka haay Reysal Wasaare ku Xigeenadda 1-aad Md.Saalax Jaamac iyo 2-aad Md.C/salaan Dhaay.

ISHA-OPM.

Previous
Previous

GUDOOMIYAHA GOBOLKA MICHIGAN OO…

Next
Next

MAXKAMADDA ICC OO SOO SAARTAY WAARAN LAGU SOO QABANAAYO…