GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYEY SEDDEX HINDISO…

(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA EE BJFS.

(MUQDISHO)-Maanta oo Sabti ah kuna beegan 10/2/24-ka ayaa waxaa shirkoodii caadiga ahaay isugu yimid Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,fadhiga maanta ayaa waxaa yimid 150-Xildhibaan sida uu sheegay shir gudoonka maanta oo ahaay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Md.Xildhibaan C/laahi Abshiraw. Ajandaha fadhiga maanta ee Golaha shacabka ahaay Ansixinta laba Hindiso sharciyeed kalana ah: (1)-Hindisa Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Degaanka,Hindisahaan ayaa dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka JFS si loo waafajiyo Qodobka 82-aad faqradiisa 4-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah, Hindisa sharciyeedkaan ayaa waxaa ogolaaday 150-kii Xildhibaan ee timid fadhigii maanta mana jirto cid diiday amaba ka Aamustay. (2)-Hindisa Sharciyeedka Hayada Xisaabiyeyaasha Soomaliyeed,waxaane Hindisa sharciyeedkaan soo Gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee DFS,waxaa ogolaaday 149-Xildhibaan,waxaane diiday hal xildhibaan. Golaha ayaa markaas ka dib waxa uu guda galay ka doodista Soomaaliya iney ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da,dood dheer ka dib waxaa ogolaaday in la ansixiyo in Soomaaliya ku biirto EAC-da 148-Xildhibaan waxaane diiday hal Xildhibaan waxaane ka aamusay hal Xildhibaan.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAY CULIMADA SOOMAALIYEED.

Next
Next

HOOYO IYO LABA WIIL EY DHASHAY OO DILAY ADEERKA CARUURTEEDA.