GOLAHA ECRI EE YURUB OO CAMBAAREYEY…
GOOBTA LAGU GUBAY KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH.
(ISTANBUL)-Maalmahaan waxaa isa soo taraayey arrimo ku saabsan diinta waxaane arrimahaan soo bilaabay nin hogaamiyo Xisbiga Midigta Fog ee dalka Sweden,ninkaan ayaa Gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah waxa uuna ku gubay irida hore ee safaaradda Turkiga ee magaaladda Stckholm. Isla ninkii gudaha dalka Sweden ku gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah ayaa maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay hadane ku Gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah gudaha dalka Denmark isagoo ey ilaalinayeen ciidamadda booliska. Nacaybka ku salaysan diinta ee ka soo yeeray gudaha dalka Denmark ee faa’iidada u ah dalkaasi Denmark ayaan noqon doonin mid sii waara,booliska Denmark ayaa ilaalinaayey ninka gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah,arrintaan ayaa waxaa ka hadlay golaha Yurub u qaabilsan ka hortaga Midab kala sooca(ECRI).
ISHA WARKA AA.