TOOGASHO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.
BOOLISKA LOS ANGELES.
(LOS ANGELES)-Dalka Maraykanka nin hubaysan ayaa dilay toban qofood oo ku sugnaay goob lagu caweeyo waqti loo dabaal degaayey sannadka cusub ee Shiinaha,ninkaan hubaysan ayaa isku dayey inuu sii wado toogashadiisa laakinse uma aysan suuragelin wax uuna markaan bartilmaameedsanayey goob kale oo ayadana lagu caweey kana tirsan isla dhismaha uu soo weeraray sida ey sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka goobta mashaqadu ka dhacday maanta oo Axad ah waxaane weli socdo baaritaan adag oo lagu baadi goobaayo nink gaystay toogashada oo ku sugan magaaladda Los Angeles ee gobolka California. Dadka ku dhintay toogashada ayaa shan ka mida waxa ey yihiin rag halka shanta kale ey yihiin Dumar,waxane ku dhaawacmay toban qofood oo kale.
ISHA WARKA AP.