GEN.MAADEEY OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEEN.

(SAWIR)-KA. TALYE KU XIGEENKA CXDS.

(MUQDISHO)-Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen.Maadeey Sheekh Nuur Ufuraw oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen.Dayax Cabdi Cabdulle ayaa tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno laga soo xulay Guutooyinka iyo Qeybaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Saoomaaliyeed kuwaaso loo tababaray isticmaalka Hubka Culculus oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka kooxda Alshbaab. Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Ge.Maadeey ayaa taliska Ciidanka dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu horkacaayo Den.Dayax ku amaanay dadaaladda aqoon kororsiga ah ee lagu tayeynaayo Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenka ka tirsan Qeybaha iyo Guutooyinka Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed. Gen.Maadeey ayaa xusay muhimadda ey Ciidanka Xooga Dalka xiiligaan u leedahay inuu helo Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno maareyn kara Hubka Culus Aqoon dheeraad ahne u leh. Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen.Dayax oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenadda qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugaayo ka mira dhallinta dadaalka iyo waqtiga la geliyey ee ku aadan qaadashada tababarka muhiimka ah. Intaas ka dib taliyeyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb degaameedka cusub ee loo hirgeliyey Ciidanka Dhulka kaaso tiir dhexaad u ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo bar hogaamineed hawlgalka dalka looga sifeynaayo kooxda Alshabaab.

ISHA/SNA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO LOO DOORTAY MADAXWEYNE KU XIGEENKA….

Next
Next

CAALAMKA OO DHAN AYAA LAGA CAMBAAREYEY ISRA’IIL.