GALMUDUG MA U DANBAA IN ITOOBIYA EY KALA HA DASHO….

(SAWIRKA)-MW-QOORQOOR OO QAABILAY SAFIIRKA ITOOBIYA.

(DH/MAREEB)-Wararka ka imaanayo caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in halkaasi uu gaaray maanta oo Axad ah Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Md.Mukhtaar Maxamed Waare. Wafdigaan oo ka koobnaay diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Itoobiya ku leedahay Soomaaliya ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Dh/Mareeb ku soo dhaweeyey MW-Axmed Cabdi Kaariye(QQ) iyo masuuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee dawlad Goboleedka Galmudug. Ujeedka safarka Danjire Mukhtaar ayaa daaran iskaashiga dhinaca Amniga ah oo dhexmara dawladda Itoobiya iyo dawalad Goboleedka Galmudug,waxaane horey u dhacday in dilal ka dhacay maamulka Galmudug dadkii gaystay ineey u baxsadeen dhinaca dawlad Degaan Soomaalida(DDS) si ey halkaasi uga dhigtaan gabaad ey kaga baxsadaan cadaaladda. Dhiaca kale,DDS gudihiisa ayaa hadda waxaa ka jiro dilal ku saleysan aano qabiilo una dhexeyso qabiilo kala dega maamulka Galmudug iyo DDS-ta weline lagama gaarin wax xal ah oo muuqda lana taaban karo balse dawaladda Goboleedka Galmudug oo hadda dagaal adag kula jiro kooxda Alshabaab ayaa dhibane u ah dagaaladda ku saleysan Aano qabiil.

ISHA/SBMEDIA.

Previous
Previous

FARANSIISKA OO DIB U FASAXAY DIYAARADII WADAY..

Next
Next

DRONES LAGU WEERARY MARKAB MARAAYEY…