FARANSIISKA OO DIB U FASAXAY DIYAARADII WADAY..
(SAWIRKA)-DIYAARADII WADAY HINDIDA OO FADHIDA GAROONKA VATREY.
(PARIS)Wararka laga helaayo caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ayaa sheegaayo in diyaarad ey saarnaayeen ku dhawaad 300-qofood oo rakaab ah una wada dhashay dalka Hindiya lagu haayey meel u dhaw magaaladda caasimadda ah ee Paris sababo la xiriira tuhuno tahriibinta dadka,diyaaradda ayaa maanta oo Isniin ah 25/12/23-ka waxa ey ka duushay dalka Faransiiska ka dib markii ey fasaxeen Booliska Faransiiska,sidaas waxaa laga soo xigtay wakiil wareedka wakaaladda wararka caalmaiga ah ee AFP u jooga Paris. Diyaaradda waday dadka Hindida ayaa nuuceedu ahaay A340 waxa eyna siday rakaab Hindi ah tiradoodana ey dhameed 303-qofood waxa eyna ku sii jeedaya dalka Nicaragua,waxaane booliska Faransiisku qabteen diyaaradda waday rakaabka Hindida ah 21/12/23-ka waxaane lagu qabtay garonka Vatrey ee dhaca bariga magaaladda caasimadda ah ee Paris halkaaso diyaaradda ey ka qaadaneysay shidaal,sida ey sheegeen booliska Faransiiska diyaaradda ayaa ka soo duushay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta,waxaane jirtay xog qarsoodi ah oo sheegaysay in diyaaradda ey siday dad la tahriibinaayo kuwaaso dhibanayal u ah dadka wax tahriibiyo. Liiskii asalka ahaa ee rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa waxaa diyaaradda dib u raacay tiro ka mid ah oo dhameed 276-qofood,rakaabkii meesha ku haray oo dhamaay 27-qofood ayaa booliska Faransiisku su’aalo weydiiyey kuwaaso looga shakiyey iney yihiin kuwa dadka tahriibiyo,balse ilo garsoorka ah ayaa sheegay in dib loo sii daayey,25-qofood oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda looga reebay baaritaano xagga amniga ah ayaa xukuumadda Faransiiska waxa ey weydiisteen in la siiyo megengalyo. Baaritaan qaatay muddo dhan laba maalmood ka dib ayey hayadaha sharciga ee dalka Faransiiska waxa ey fasaxeen diyaardii waday Hindida waxa eyna diyaarada Faransiiska ka baxday maanta oo Isniin ah,dadka saarnaay diyaaradda ayaa la sheegay iney u badnaayeen Hindi ka xamaalata dalka Imaaraadka Carabta(UAE).
ISHA/AFP.