GABAR KU DHIMATAY XABSI DALKA IRAAN.
SAWIRKA MAHSA.
(TEHRAN)-Shil naxdin leh ayaa waxa uu ka dhacay dalka Iraan ka dib markii gabar 22-jir ah eey ku dhex dhimatay saldhig boolis eey ku xirneed,waxaane arrintaan ka dhashay banaanbaxyo waa weyn oo ka qarxay guud ahaan dalka Iraan.Mahsa Amini oo 22-jir ayaa maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay lagu xiray saldhig boolis caasimadda dalka Iraan ee Tehran,Mahsa ayaa waxaa soo xiray xubno ka tirsan xoogaga loo yaqaano Gasht E Ershad oo ah koox u hawlgasha sida booliska balse ka awood badan booliska caadiga ah ee dalkaasi Iraan waxa eeyna Mahsa ku soo eedeeyeen ineey ku xadgudubtay qaabka eey u labistaan dumarka Muslimiinta ah.
ISHA WARKAAA.