FINLAND OO JOOJISAY BARNAAMJKII HORUMARINEED.
(SAWIRKA)-WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA IYO GANCSIGA FINLAND.
(HELSINKI)-Dalka Finland waxa uu joojiyey Barnaamijkii Iskaashiga Horumarineed oo uu la lahaa dalka Soomaaliya. Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Finland Ville Tavio ayaa sidaasi ku sheegay shir Jara’id uu qabtay maanta oo Arbaca ah. Wasiirka ayaa soo xigtay Barnaamijka Dawladda Finland,sida uu sheegay in Iskaashiga Horumarineed ee Finland uu ku xiran yahay Heshiiska wadamadu dib ugu celinayaan Mawaadiniintooda codsiga Finland iyo taageeradooda nidaamka Caalamiga ah ee ku saleysan Xeerarka Caalamiga ah,sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland,wada shaqeynta Soomaaliya ee dib u celinta ayaan u dhicin sidii la filaayey. “Hakintu waxa ey ka dhigan tahay in aan go’aan dhaqaale oo cusub la gaari doonin ilaa horumar la taaban karo laga gaaro iskaashiga dib u celinta Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Tavio. Sida uu sheegay Wasiir Tavio,iskaashiga dib u celinta waxaa loola jeedaa Mawaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan sharciga deganaanshaha ee dalka Finland. Wasiir ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada Mawaadiniinta Soomaaliyeed ee sidaan oo kale looga eryey dalka Finland.
ISHA.YLE.