BAARLAMAANKA JFS OO ANSIXIYEY HINDISO SHARC…
(SAWIRKA)-BJFS LABADISA AQAL.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegayo in Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey maanta oo Arbaca ah ey yeesheen kulankoodii 9-aad ee wadajirka ah tan iyo markii uu u furmay Kalfadhiga 5-aad, kulanka maanta ee wadajirka ah ayaa waxaa yimid 178-Xildhibaan oo labada aqal ah,waxaane shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur(Madoobe),waxaane ku wehliyey kulanka maanta Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Md.Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ku-Xigeenadda labada Aqal ee BJFS. Ajendaha kulanka waxa uu ahaa akhrinta 3-aad iyo u cdeynta Hindisaha Xeerka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaane ugu horeyn Gudoomiyaha Gudiga ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee BJFS ugu xilsaaran diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka,Ururadda iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciga dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu Xildhibaanada labada Aqal la wadaagay Warbixinta Akhrinta 3-aad ee Hindisaha Xeerka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadda,meelaha wax ka bedel lagu sameeyey iyo sidoo kale qodobada lagu soo kordhiyey. Intaas ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee BJFS oo cod u qaaday xeerkaan ayaa waxaa Ogolaatay 177-Xildhibaan, waxaane diiday hal Xildhibaan,mana jirin Xildhibaan ka aamusay,sida uu sheegay Gudoomiye Adan Madoobe oo ku dhawaaqay Natiijadda Codeynta. Dhinaca kale,Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS ayaa akhrinta 2-aad marsiiyey Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee JFS,waxa eyna Xildhibaanadda ka doodeen qodobadda Xeerkaan. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Adan Madoobe oo kulanka maanta soo xiray ayaa sheegay in ka doodista Xeerkan la soo gabagabeeyey isla markaasne dib loogu celin doono Gudiga KMG ah ee ku shaqada leh si uu u soo diyaariyo akhrinta 3-aad uguna daro aragtiyadda iyo talooyinka Xildibaanadda dibne Golaha ugu soo celiyo si loogu codeeyo.
ISHA-SNTV.