FARMAAJO IYO SHARIIF MAXAY DAMACSAN YIHIIN?
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHII DALKA SOO MARAY.
(MUQDISHO)-Waxa aan la soconaa in xafaladii caleema saarka ee Madaxweyne Siciid C/laahi Deni ee ka dhacday caasimadda Maamulka Puntland ee Garawe looga dhawaaqay shir ey isugu imaanayaan dhammaan dadka daneeya arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya,gogoshaan ayaa waxaa fidiyey Madaxweyne Deni oo aan ognahay in khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ka dib magacaabistii Reysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Arrinta soo korortay hadda ayaa ah iney soo baxayaan wara sheegaayo in Madaxweynayaashii hore kalana ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/laahi Farmaajo ey wadaan olole aad u xoogan eyna rabaan inuu qabsoomo shirka Deni ku baaqay,labadaan masuul ayaa waxa ey ka cabsi qabaan in MW-Xasan Sheekh Maxamuud uu qaado talaabo adag ka hor inta uusan qabsoomin shirka Garawe ee Deni ku baaqay,hadaba Maxaa jira?
ISHA/CAASIMADDA.