FARAGELINTA SHISHEEYE EE GOBOLKA GEESKA AFRIKA.

20210213_map505.jpg

Marka laga hadlaayo nabadda gobolka geeska afrika waxaa dhab ah inaan soo xusuusanayno soomaaliya waayo waa dalka kaliyah eey ka jirto dawlad ku tiirsan dawlad kale marka loo fiiriyo wadamadda la deriska ah soomaaliya,laakinse sheekada markaan waa eey ka gedisan tahay sheekooyinkii hore oo waxaa soo baxay warar shegaayo in dalalka Imaaraatka Carabta,Isaa’iil oo isku dhinac ah iyo dalka Iraan uu ka dhax qarxay dagaal sirdoon oo aad u kulul waana sababta dalka Imaaraatka Carabta uu xiriir wanaagsan ula yeeshay dalka Israa’iil,arrinta ugu hadal haynta badan ayaa ah in caasimadda Itoobiya dhawaan lagu qabtay rag gaaraayo ilaa shan iyo toban ragasoo qorsheeynaayey ineey weerar ku qaadaan safaaradda Imaaraatka Carabta ee Addis Ababa,dawladda itoobiya ayaa sheegatay in raga la qabtay eey gacan saar la lahaayeen kooxo argagixisa ah balse ma aysan sheegin kuwa eey yihiin,dalalka Sweden iyo Eritereeya ayaa iyagana sheegay ineey qabteen rag lagu tuhmaayo ineey qeyb ka ahaayeen isku dayga weerarkii lala damacsanaay safaaradda Imaaraatka ee Addis ababa,sirdoonka reer galbeedka ayaa rumaysan in bartimaameed jilicsan uu u yahay dalka Iraan oo eey kaga aargoosan karto cadawgeed ka soo horjeeda ee lagu magacaabo Maraykanka,Israa’iil iyo dalalka Gacanka.XIGASHO ECONOMIST

HALKAAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

BADMAAXIINTII TURKIGA OO LA SOO BADBAADIYEY.

Next
Next

WAXAAN SI QARSOODI AH UGA SOO WARAMAAYEY DAGAALKA…