BADMAAXIINTII TURKIGA OO LA SOO BADBAADIYEY.

thumbs_b_c_f826f209e972fd289a977a4500053e31.jpg

Markab watay calanka Laybeeriya ayaa waxaa burcad badeed weerartay 23/1/2021-ka waxaane weerarkas ku dhintay laba ka mid ah badmaaxiintii la socotay markabka la weeraray,shan iyo toban ka mida badmaaxinta afduubka loo haystay ayaa waxa eey u dhasheen dlka Turkiga waxaane maanta oo Sabti ah la keenay safaaradda Turkiga ee dalka Nayjeeriya waqti amniga safaaradda aad loo adkeeyey.Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Nayjeeriya Melih Ulueren ayaa waxa uu soo dhaweeyey badmaaxiinta oo muddo u afduubnaayey burcadda helayne xuriyadooda maalintii shalay ahayd(Jimce),waxaane badmaaxiinta u suuragashay ineey mid mid ula hadlaan eheladoda ku sugan dalka Turkiga. Kabtanka markabka la afduubtay oo la yiraahdo Mustafa ayaa sheegay in ugu dambayntii shaqaalihii markabka la afduubtay dib u heleen xuriyadooda kow iyo labaatan(21)-berri ka dib waxa eeyna hadda daneynaayaan ineey dib ula midoobaan qoysaskoodii ka welwelsanaay.XIGASHO ANADOLU.

HALKAAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

QARAX KA DHACAY MAANTA KA DHACAY MUQDISHO.

Next
Next

FARAGELINTA SHISHEEYE EE GOBOLKA GEESKA AFRIKA.