FAQRIGA KA JIRO DALALKA CARABTA.
FAQRIGA KA JIRA CARABTA.
(BEIRUT)-Seddex qofood oo kasta kana mida shucuubta wadamadda Carbeed midkood ayaa ku nool khad ka hooseeyo kan faqriga sidaas waxaa sheegay Qaramada Midoobay maanta oo Sabti ah. Warbixinta ey soo saartay hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqaalaha iyo gudiga arrimaha bulshada ee galbeed Aasiya(ESCWA) ayaa lagu sheegay in faqriga ka jiro wadamadda Carabta inuu kor u socdo saameyn doonana 130-milyan qofood. Marka la fiiriyo warbixinta gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqaalaha gobolada ayaa la filaa in faqriga ka jiro dalalka Carabta uu gaari doono 4.5% sannadka 2023-ka halka la sii saadilyey inuu hoos u dhici doono sannadka 2024-ka uuna gaari doono 3.4% in kastoo ey jirto carqaladeyn ku saabsan in dhaqaalaha caalamka uu soo kabto.
ISHA WARKA AA.