EU-DA OO SOOMAALIYA UGU DEEQDAY…
(SAWIRKA)-JUTTA URPILAINEN.
(BRUSSELS)-Todobaadkii hore ayey ahayd markii uu Madaxweynaha Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tegay xarunta Midaw Yurub ee ah caasimadda dalka Biljam ee Brussels,MW-Xasan ayaa halkaasi waxa uu ka jeediyey khudbad taabanaysay dhinacyo fara badan uu ka mid yahay dagaalka DFS ey kula jirto kooxda Alshabaab iyo xaaladda dalka Soomaaliya halka ey marayso waqtigaan la joogo. Hogaanka Midawga Yurub oo ka jawaabayo codsigii kaga yimid Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Soomaaliya ugu deeqay dhaaaale dhan 89.5-mMilyan oo Yuuro ah una dhiganta ($94,686,525),labaatan Milyan oo ka mid ah lacagtaas una dhiganta ($21,258,155.09) ayaa lagu kabi doonaa Miisaaniyadda sannadka-2024-ka taaso ey Golaha Wasiiradu Ansixiyeen shalay oo Sabti ahayd.
ISHA/HIIRAAN.