SARAAKIIL SOOMAALIYEED OO MUQDISHO KU XIRAN MUDO KA BADAN….
Tan iyo markii la doortay inuu dalka soomaaliya ka noqdo madaxweyne Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa dalka si aan kala go’o leheeyn ugu soo laabtay dad badan oo eey isku heeyb yihiin iyo kuwa asaxaab la ahaay waqtiga eey ku sugnaayeen qurbaha,raga madaxweyne Farmaajo kala yimid qurbaha ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Aadan Kulane(Jiis Mariixaan).
Jiis Mariixaan ayaa ah nin aan wax baran soona marin tababar ciidan toona waxa uuna shaqa ka bilaabay madaxtooyada waxa uuna gacan yare u noqday agaasimihii hore ee madaxtooyada haddana ah agaasimaha hayadda NISA Fahad Yaasiin,intaas ka dib waxaa dhacday in agaasimihii hore ee NISA UURKUUS inuu shaqa joojin ku sameyey ku xigeenadiisii waxaane ku sime loo magaacabay Jiis mariixaan taasoo ujeedka madaxtooyadda ahayd inuu la socdo shaqada hayadda NISA,laakinse waxaa dhacday in agaasimihii madaxtooyadda Fahad uu gacan yaraha u ahaay Jiis Mariixaan in loo dhiibo hayadii NISA taasne fursad u noqoto ninka aan lahayn wax aqoon ciidan in loo magacaabo agaasimaha shaqaalaha NISA sidaasne uu ku yeesho awood ka badan tii uu horay ugu lahaay madaxtooyadda,dhinaca kalane Jiis Mariixaan ayaa ahaay ninkii iska inkiray lacag malaayiin doolar ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Nayroobi ee Jooma Kinyuaata sida la sheegayne lacagtaas ayaa loo weday dalka itoobiya si loogu hawlgeliyo ciidamo calooshood u shaqeeystayaal ah oo laga keeno dhinaca itoobiya kuwaaso danta laga lahaay ahayd ineey xilka ka tuuraan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe balse ku dhammaatay fashal iyo kala orod iyo lacagtii oo ku dhacday gacanta dawladda Kenya lana waayey cid sheegata,hadaba Jiis Mariixaan oo hadda dalka dibadda uga maqan ayaa afar iyo toban bilood ka hor waxa uu xabsiga NISA u taxaabay saraakiil hore iyo kuwa dambe kuwaasoo intooda badan ku soo takhasusay miina baarista mana la yaqaano sababta eey sarakiishaasi u xiran yihiin iyo waxa loo horkeeni la’ayahay maxkamadda ciidamadda qalabka sida,waxaa intaas ka sii xun oo la soo sheegayaa in saraakiishaasi aan loo ogoleeyn ineey soo booqdaan eheladooda muddo ka badan sannad waxayne eheladda saraakiisha sheegeen in asbuucii hore loo ogolaaday in todobaadkiiba mar soo booqan karaan saraakiisha u xira Jiis Mariixaan,arrintaan ayaa noqonaysa mid fadeexa ku ah dawladda uu hogaamiyo Farmaajo waxa eeyna sababi kartaa in hayadaha xuquuqul insaanka soo farageliyaan lana soo qabto Jiis Mariixaan lana horgeeyo maxkamadda qaada dembiyadda la xiriira xuquuqul insaanka,ugu dambayntii waxaan halkaan idiinku soo gudbihaa magacyada iyo darajooyinka saraakiisha u xiran Jiis Mariixaan waane sidaan:
1-G/Sare-Maxamed Muxyadiin Cumar(Dhegaweyne).
2-Seddex Xidigle-C/laahi Muxyadiin Cumar(dhegaweyne walaalkiis).
3-Seddex Xidigle-Axmed Xuseen Isaaq.
4-Seddex Xidigle-Mukhtaar Cabdi Xasan.
5-Seddex Xidigle-C/rashiid Cabdi Isaaq.
6-Seddex Xidigle-Maxamed Jimcaale Nuur.
7-Laba Xidigle-Maxamed Cabdi Aadan.
8-Laba Xidigle-Maxamed Muuse Nuur.
9-Laba Xidigle-Cali Guuleed Saboow.