MADAXWEYNE BIDEN WAA INUU KAALMEEYAA NABADDA GEESK AFRIKA ISAGOO AAN DIRIN….
Qoraaga Micheal Rubin waxna ka qora arrimaha soomaaliya ayaa waxa uu maqaal ku qoray maanta oo Axad ah 24/1/2021-ka wargayska la yiraahdo THE NATIONAL INTEREST,qoraaga ayaa qoraalkiisa waxa uu uga hadlay arrima badan oo khuseeyo siyaasadda soomaaliya ee waqtigaan kala guurka ah iyo ka bixitaanka ciidamadda Maraykanka ee soomaaliya,qoraaga ayaa qoraalkiisa waxa uu xusay waxyaaba badan kuna saabsan wadamadda geeska afrika sida soomaaliya,Jabuuti,Itoobiya iyo Eritereeya waxa uuna sheegay ceeba badan eey leeyihiin hogaamiyeyaasha wadamadaas sida madaxweynaha Eritereeya Afawarqe,madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.Raadka eey wadama kale eey ku leeyihiin arrimaha soomaaliya waxa uuna tusaale u soo qaatay dalka Qadar sida uu faraha ugula jiro siyaasadda soomaaliya ayagoo adeegsanaayo taliyaha NISA Fahad. XIGASHO THE NATIONAL INTEREST.