EBRAHIM RAISi OO BOQANAAYO…
(TEHRAN)-Madaxweynaha dalka Iraan Ebrahim Raisi ayaa booqasho seddex maalin ah waxa ey uga bilaabatay dalka Shiinaha maanta oo Talaada ah,booqashadaan ayaa tii ugu horeysay uu hogaamiye reer Iraan ah uu ku tago dalka Shiinaha muddo dhan labaatan sano ah. Booqashadaan sare ayaa timid ka dib markii uu Madaxwynaha dalka Shiinaha Xi Jinping uu martiqaad u fidyey dhigiisa dalka Iraan Ebrahin Raisi,booqashadaan ayaa Imtixaan ku ah xiriirka u dhexeeyo Tehraan iyo Bakiin ka dib markii uu go’onaay in muddo ah iyo xiriirka sii fiicnanayo ee u dhexeeyo dalalka Khaliijka iyo Shiinaha.
ISHA WARKA AA.