Dr.XUSEEN SHEEKH OO KA HADLAY DASTUURKA DALKA.
(SAWIRKA)-Dr.XUSEEN SHEEKH MAXAMUUD.
(MUQDISHO)-Shalay ayey ahayd markii Fahad Yaasiin uu soo bandhigay Qoraal uu kaga hadllaayo arrimaha siyaasadeed ee hadda ka taagan dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Fahad ayaa si gaar ah waxa uu bartilmaamsaday Hogaanka Qaranka ee waqtigaan,waxaase wax lala yaabo noqotay Cinwaaka uu siiyey qoraakiisa ey dad fara badan u arkeen inuu yahay mid aan laga fiirsan adeegsigiisa laakinse taageerayaashiisa ayaa u arkay inuu ku saxan yahay cinwanka sdiaan u qoran”SABOOLNIMADA HOGAAMINEED”,hadaba maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa isna wax ka qoray arrimaha Soomaaliya ee waqtigaan Dr.Xuseen Sheekh Maxamuud oo horaantii sannadkan-2023-ka noqday Agaasimaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya balse arrimo isaga u gaar ah isaga casilay xilkaas,Dr Xuseen ayaa si cilmiyeysan waxa uu u dul istaagay wax ka bedelka dastuurka KMG ah ee lagu soo dhaqmaayey muddo ka badan labaatan sano oo xiriir ah,waxaadne ka dhedhesan kartaa qoraalka Dr.Xuseen Aqoonta iyo Fahamka durugsan uu u leeyahay Dastuurka KMG ah ee aan horay waxba looga qaban balse la rabo in hadda wax laga bedelo.
ISHA/GOOBJOOG.