DIBLOMASIYIIN MARAYKAN AH OO LAGU…
CAASIMADDA KHARTUUM.
(ANKARA)-Kolonyo baabuur ah ey la socdeen diblomaasiyiin Maraykan ah ayaa lagu xabadeeyey gudaha dalka Sudan halkaaso uu ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidamada dalka Sudan iyo Xoogaga Taageerada Dhaqsiyaha ah,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blink. “Ma aan xaqiijin karo wixii dhacay shalay,waxaanse ogahay in la xabadeeyey kolonyo baabuur ah ey la socdeen diblomaasiyiin Maraykan ah”ayuu yiri Antony Blink isagoo hadda ka qeybgelaayo shirka Wasiiradda arrimaha dibadda ee wadamada G-7 kaaso ka socdo dalka Japan.
ISHA WARKA AA.