DFS MAXAY QABATAY MAXAASE HORYAALO.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.
(MUQDISHO)-Marka laga hadlaayo waxqabadka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Md.Xasan Sheekh Maxamuud,Reysal Wasaarane uu ka yahay Md.Xamsa Cabdi Barre waxaan isla markiiba xusuusaneynaa dhawr arrimood ey Dawaladda Federaalka Soomaaliya ey Guulo la taaban karo ka soo hoyisay sida ku biiristii Dallada Bulshada Bariga Afrika(EAC),Cunaqabateyntii Hubka oo Soomaaliya laga qaaday sodon sano ka dib, Soomaaliya oo laga cafiyey deyntii lagu lahaay iyo in Soomaaliya ey qabato xilka ugu sareeyo Urur Goboleedka IGAD. Dhinaca kale,waxaa jiro qodobo kale eysan Dawladda Federaalka Soomaaliya weli ka guul keenin sida dagaalka kooxda Alshabaab oo weli ka socdo labadii maamul Goboleed ee laga bilaabay ololaha la dagaalanka kooxda Alshabaa ee kala ahaay Galmudug iyo H/shabeele,Dhammaystirka dastuurka oo isagane hadda taaagn marxalad aad u adag la iskuna mari la’ayahay,Maqaamka Caasimadda Muqdisho oo ayadana qeyb ka ah wax ka bedelka dastuurka Qabya qoraalka ah iyo Midnimada Soomaaliya oo ayadana ah mid taagan DFS laga sugaayo iney wax muuqdo ka qabato.
ISHA/CAASIMADDA.