DENMARK OO MAR KALE LAGU GUBAY KITAABKA ALLE.
(SAWIRKA)-CAASIMADDA DENMARK EE COPENHAGEN.
(LONDON)-Weerarada lagu haayo Kitaabka Quraanka Kariimka ah ayaa weli ka socdo dalka Denmark,waxaane dhacday in haweeney asalkeedu yahay dalka Iraan balse haysata dhalashada dalka Denmark”FIROOZAH BAZRAFKAN” ey si aan ixtiraam lahayn iney caasimadda Copenhagen ee dalka Denmark ugu jarjartay dabadeedna u gubtay Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Firoozah ayaa Kitaabka Quraanka Kariimka ah waxa ey ku hor Jarjartay Safaaradda dalka Iraan ee caasimadda Copenhagen maanta oo Sabti,Firoozah ayaa labisneed funaanad ey ku qorneed”LIFE FREEDOM”,Firoozah ayaa ka qeybgashay goob lagu jarjaraayey Kitaabka Quraanka Kariimka ah isla markaasne la isku sawiraayey taaso Qeexayso sida Firoozah u doonayso iney ka caraysiiso dadka Muslimiinta ah. Bilihii la soo dhaafay waxaa soo noqnoqotay gubidda Kitaabka Quraanka Kariimka ah,ixtiraam la’aantiisa iyo isku dayga Muslim nacaybka ee ka jira wadamada Qaarkood iyo caalamka.
ISHA/AA.