DEGAMADA CEELDHEER IYO MESEGAWAY OO XOR AH.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo xoogaga degaanka ey si rasmi ah ula wareegeen degaano iyo degmooyin dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug. Ugu horeyntii,Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga degaanka ayaa waxa ey gudaha u galeen degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer ee dhacda Bariga Gobolka Galmudug ee maamulka Galmudug ka dib markii ey halkaasi isaga bexeen maleeshiyaadkii ka tirsanaay kooxda Alshabaab. Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidamadda Kumaandooska GorGor G/Le.Saahid Jaamac Faarax oo hogaaminaayo hawlgaladda lagu xoreynayo Bariga Gobolka Galgaduud gaar ahaan degaanadda hoostaga degmada Ceeldheer ayaa warbaahinta u sheegay in degmada Ceeldheer ey si buuxda gacanta ugu hayaan waqtigaan la joogo ugana sii gudbi doonaan degaano kale. Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa hadda waxa ey ku jiraan gudaha degmada Ceeldheer iyo wadooyinka soo gala degmada ka wadaan Miino baaris. Dhinaca kale,Ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa si buuxda waxa ey ula wareegeen degaanka Mesagawaay ee dhaca Bariga Gobolka Galgaduud,ciidamadaan la wareegay gacan ku haynta degaanka Mesagawaay ayaa ka kooban Ururka 85-aad kana tirsan ciidamadda gaarka ah ee Madaxtooyada JFS,waxa eyna ciidamadu isku fidiyeen dhulka u dhexeeyo Xuseen Cageey iyo Mesagawaay waxa eyna ku sii socdaan Baraagta Sheekh Caamir Sheekh Ibrahim Yare,hawlgalkaan culus ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamadda Lugta ee Khaalid Bin waliid,Gorgor iyo xoogaga degaanka ee ka soo jeeda Bariga Gobolka Galgaduud. Koonfurta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa isagana waxaa ka socdo hawlgal lagu baacsanaayo kooxda Alshabaab,hawlgaladii ugu dambeeyey ayaa waxa ey ka dheceen degaanada Jee-Jeex iyo Buurta Yacgoos oo dhexeeyo magaalooyinka Caad iy Camaara kana wada tirsan Koonfurta Gobolka Mudug. LA SOCO WIXI SO KORDHA EE WARAR AH.

ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.

MUQDISHO/SOMALIA.

Previous
Previous

WAX KA OGAW MASULIYIINTII GEERIYOOTAY SANNADKAN 2023-KA.

Next
Next

MW-XASAN OO TACSIYEY QOYSKI UU KA BAXAY GOCER.