DALKA NIGER OO YEESHAYA MAAMUL CUSUB.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA QABSADAY DALKA NIGER.
(NIAMEY-NIGER)-Ciidamadda mucaaradka ah ee dalka Niger ee sameeyey afgembiga ayaa ku dhawaaqay hogaamiyaha cusub ee dalka Niger maanta oo Jimca ah(28/7/23)-ka saacado uun ka dib markii Gen.Amadou Abdramane uu codsi u diray mawaadiniinta reer Niger iyo caalamka kuna weydiistay iney soo kaalmeyaan dalka Niger oo yeeshay maamul cusub, inkasto ey sii kordheyso tabashooyinka siyaasadeed ee laga qabo ciidamadda afgembiga sameeyey,waxaane dhici karta ayaa la leeyahay in dalka Niger uu ka dhaco dagaal sokeeye iyo in kooxaha Xagjirka ah ey ku sii xoogaystaan gudaha dalka Niger. Wadamadda reer galbeed uu ugu horeeyo dalka Faransiiska ee gumaystay dalka Niger ayaa waxa uu sheegay in dalka Ruushka uu ka dambeeyo afgembiga dalka Niger ka dhacay.
ISHA/AP.