DAGAAL CULUS OO KA DHACAY QAAYIB.
QARAX.
(SOMALIA)-Wararka ka imaanaayo Gobolka Galgaduud kana tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo xoogaga degaanka eey hor istaageen weerar ey soo qaadeen kooxda Alshabaab,weerarka ayaa lagu soo qaaday saldhig ey ciidamada iyo xoogaga degaanka ku leeyihiin degaanka Qaayib. Sarkaal ka tirsan hayadaha amnkiga Galmudug lana hadlay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in xaaladda degaanka lagu dagaalay saakay ey tahay mid degan balse weli la wado ururinta xogaha la xiriiro tirada dhimashada,dhaawaca iyo inta malaeeshiyo ee Alshabaab ah ee nolosha lagu qabtay. Ma aha markii ugu horeeyey ey kooxda Alshabaab soo weerarto degaankan Qaayib loogana laayey askar aad u fara badan,dagaalka maanta ayaa kooxda Alshabaab waxaa ka soo gaaray jab aad culus waxane looga gubay seddex baabuur oo ey saarnaayeen Qaraxyo.
ISHA WARKA AA.