DABAYSHA TEJ OO KHASAARO KA GAYSATAY YEMAN.
(SAWIRKA)-JAZIIRADDA SUQATRA YEMAN.
(SOMALIA)-Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu xuduud dhinaca badda ah la leeyahay wadamadda Yeman,Jabuuti iyo Kenya,xuduudyada ayaa ku kala yaalo Badaha Hindiya iyo Badda Cas,tusaale ahaan dalka Yeman waxa uu Soomaaliya la leeyahay xuduud badeed ku kala yaalo Bad weynta Hindiya iyo Badda Cas,hadaba Dabaysha loo yaqaano Tej ayaa waxa ey ku dhufatay dalka Yeman waxa eyna barakicisay dadka degan Jaziiradda Suqatra ee ku taalo Bad weynta Hindiya horaantii dabayaaqadii todobaadkii tegay,dabaysha ayaa gaysatay burbur balaaran oo soo gaaray Gobolka Mehra ee bariga dalka Yeman. Isku duwaha xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha bani’adanimada ee dalka Yeman ayaa sheegay in Dabaysha Tej ey ku dhufatay Gobolka Mehra ee dalka Yeman ey saameysay dad gaaraayo ilaa 10-kun Qoys oo Yamaniyiin ah kuna kala sugan Jaziiradda Suqatra,Gobolka Xadarmuut iyo Gobolka Mehra oo dhammaan ka wada tirsan dalka Yeman.
ISHA/ARAB.