DAACISH:DADKA MUQDISHO WAA KUFAAR.

(SAWIRKA) MAXKAMADA CIIDAMADDA QALABKA SIDA EE SOOMAALIYA.

(MUQDISHU)-Maxkamada ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah waxa ey soo gabgabaysay xukun adagne ku riday Warsame Xasan Cabdi oo ka tirsanaay kooxda Daacish oo ka dagaalamay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Warsame ayaa sheegay in dadka ku nool magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho uu ka aaminsan yahay iney yihiin KUFAAR isla markaasne ey qolo kasta ku qiimeeyaan waxa uu aaminsan yahay hogaamiyahooda. Warsame ayaa la soo bandhigay muuqaalka isagoo Suuqa Bakaaraha ku xabadeynaayo goobo Ganacsi oo diiday iney canshuur siiyaan Daacish,ilaa iyo laba dukaan ayaa la soo bandhigay isaga oo xabadeynaayo. Lama sheegin cid ku geeriyootay xabadihii uu goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha uu ka dhex riday Warsame,waxaane la qabtay bilo la hor. “Waxaa la ii soo diray inaan soo xiro dukaamada ka furan Suuqa Bakaaraha ee diidan iney bixiyaan canshuurta Daacish,dhawr xabadood ayaan kor ugu riday dukaamadda aan tegay”ayuu yiri Warsame oo la soo bandhigay isaga oo xabadeynaayo ganacsatada Suuqa Bakaaraha. Maxkamada ciidamadda qalabka sida oo muddo gacanta ku haysay kiiska Warsame kana tirsan kooxda Daacish ee KUFAARTA u yaqaano dadka reer Muqdishu ayaa maanta lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah. “Xamar Daarul Kufri,daarta shacabka laguma qiimeyo,waxaa lagu qiimeyaa hogaamiyaha ka taliyo kitaabka uu ku dhqmaayo ayey ku xukuman yihiin dadka ku nool magaaladaas”ayuu yiri Warsame. Warsame ayaa sheegay in yaraantiisii uu ahaay xoolo dhaqato kuna dhashay gobolka Gedo sidoo kale u naq raaci jiray qeybo ka mida gudaha dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya. “Geel iyo Lo’o ayaan raaci jiray dhul badan yaana maray si aan u daajiyo xoolaha,Warsame ayaa sheegay inuu kooxda Daacish uga biiray duleedka Beled-Xaawo,muuqaaladooda ayaana daawaday waxaane ka dhacay buuraaleyda golka Bari ee Puntland anigoo maray dhulka,waxaane halkaas kula kulmay C/qaadir Muumin”ayuu yiri Warsame.

ISHA WARKA CAASIMADDA ONLINE.

Previous
Previous

ATMIS:”WAXA AAN CABEYNAY KAADIDEYNA”.

Next
Next

ALJEERIYA IYO SIIRALYOON OO LOO DOORTAY…