ATMIS:”WAXA AAN CABEYNAY KAADIDEYNA”.

(SAWIRKA)-CIIDAMADII ATMIS EE DHAWACA AHAAY LAGUNA DAWEYNAYO NAIROBI.

(KAMPALA)-Tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamadda Atmis ee degaanka Buulo-Mreer ee gobolka Shabeeladda Hoose 26/5/23-kii ayaa waxa si isdaba joog ah waxaa u soo baxaayey warar dheeri ah kuna saabsan sida xerada wax uga dheceen iyo wax soo gaaray ciidamadda Ugandha kana tirsan Atmis,toban iyo kowa maalmood ka dib ayey ciidamadda Ugandha kuna sugan saldhiga B/mareer ey sheegeen iney soo heleen afar askeri oo lagu tirinaayey iney dhinteen kuwaso ey aad u liidato xaaladooda laakinse weli nool,waxaane askartaan ka mida sarkaal laba xidigle ah kaaso dhaawacan. Afarta askeri ee ka mida ciidamadda Ugandha kana tirsan Atmis kana badbaaday weerarkii ey kooxda Alshabaab ku qaaday saldhiga ciidamadda Atmis ee degaanka B/Mareer 26/5/23-ka,askartaan badbaaday ayaa lumisay xiriirka taliyeyaashooda waxa eyna sheegeen iney ku badbaadeen kaymaha ey ku dhuumanayeen muddo lix maalmood ah ayaga oo cabaayey KAADIDOODA,sidaas waxaa sheegay afhayeenka ciidamadda difaaca shacabka Ugandha(UPDF) S/Guuto.Felix Kulayigye. “Hal askeri ey darajadiisu tahay laba xidigle waxa uu ka dhaawacmay lugta,waxa uuna isku qariyey hawdka u dhaw saldhiga la weeraray wax uuna kaalmo u dirsaday wehelkiisa,labada askeri ey hooseyso darajadooda ayaa iyagana isku qariyey meel u dhaw saldhiga waane ey ku badbaadeen,waxa eyna isticmaalayeen Kaadidooda cunto iyo cabitaan ahaan”sidaas waxaa sheegay S/Guuto.Felix.

ISHA WARKA DAILY MONITOR.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

GOLAHA AMANKA OO WAR KA SOO SAARAY…

Next
Next

DAACISH:DADKA MUQDISHO WAA KUFAAR.