CRISTIANO RONALDO OO HESHIIS…
CRISTIAN RONALDO OO SAXIIXAY HESHIIS.
(RIYAD)-Si ey u xaqiijiyaan in Cristiano Ronaldo u soo wareegay Naadi laga leeyahay dalka Sacuudiga ee Al-Nassr sidaas darteed ayey Sacuudigu Ronaldo u soo hor fadhiisiyeen warbaahinta maanta oo Talaada ah waqti lagu guda jiray xafladii saxiixa heshiika xidiga reer Burtuqaal Cristiano Ronaldo iyo Naadiga Al-Nassr ee dalka Sacuudiga.”Hadda waan awoodaa inaan iraahdo waxaa Qaaradda Yurub ka jiro fursado badan,Brazil,Australia,US iyo dalka Burtaqiiska waxaa ka jiro Naadiyo badan,Naadiyo fara badan waxa ey isku dayeen inaan u saxiixo heshiis laakinse hadalkayga ayaa ku saabsan Naadiga Al-Nassr” sidaas waxaa yiri Cristiano Ronaldo isaga oo ku sugan garoonka Marsuul ee caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad.
ISHA WARKA AA.