COLAADA SUUDAAN IYO ITOOBIYA OO…

SAWIRKA QAXOOTI TIGRAY.

(NAIROBI)-Dalalka Suudaan iyo Itoobiya waa laba dal oo ka mida wadamada Bariga Afrika waxa eey ku fadhiyaan dhul aad baaxad weyn kuna wanaagsan beerashada,labadaan dal ayaa wadaago xuduud aad u dheer laguna qiyaaso laba boqol iyo lixdan kiiloomitir oo isku wareeg ah(260-km sq),waxaane horay u dhacday in labadaan dal isku fara saareen xuduudyada ka dhexeeyo balse markii dambe eey ka gaareen heshiis waqtigii eey labada dal kala xukumaayeen RW-Melez Zenawi iyo Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir,waxaane waqtigaa la sheegaa in beeralayda eey si caadi ah u beeran jireen dhulkooda ayagoo dagaal ka dhexeeynin,laakinse markii eey meesha ka bexeen masuuliyiintii heshiiska ka gaartay dhibaatada ka taagan xuduuda eeyna yimaad masuuliyiin cusub waxaa isbedel muuqda uu ku yimid heshiisyadii horay loo gaaray waxaane hadda taagan colaad u dhexeeyso labada dal Suudaan iyo Itoobiya kuna saabsan dhinaca xuduudka halka loo yaqaano ALFASHQA.Si arrintaan soo cusboonaatayn loo hakiyo ayaa Ururka Midawga Afrika sheegay sida qotada dheer uu u tixgelinaayo kor u kaca xaaladda ciidan ee u dhexeeyso dalalka Suudaan iyo Itoobiya ka dib markii la afduubay lana dilay 7-qofood oo u dhashay dalka Suudaan kana koobnaay 6-Askeri iyo qof shacab ah waxa uuna dilku ka dhacay xuduuda uu muranku ka taagan yahay.Qoraal uu soo saaray Madax Ururka Midawga Afrika(AU) ayuu ku codsaday in labada dal joojiyaan dagaalka furaane wada hadalo,isku dhaca ciidan ayaa ka dhacay dhulka lagu muran san yahay ee suudaan looga yaqaano Alfashqa halka Itoobiya looga yaqaano Alfashga.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SOMALI: MURAN KA TAAGAN MIISANIYADIHI AAN LA XIRIN.

Next
Next

MUHAAJIRIIN LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA LIIBIYA.