CIRAAQ OO GACANTA KU DHIGTAY MASKAXDII KA DAMBAYSAY WEERARKI BAMBO EE DHACAY-2016-KII.
(BAQDAAD): Maanta oo ah Isniin(18/10/2021)-ka ayey xukuumadda Ciraaq sheegtay ineey qabatay maskaxdii ka dambeeysay weerarkii bambo ee lagu hoobtay ee dhacay sannadkii 2016-kii kana dhacay goob laga dukaamaysto oo ku taalo magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad,weerarkaas ayaa waxaa ku nafwaayey dad gaaraayo 300-qofood waxane ku dhaawacmay 250-qofood.Qarax loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo kana dhacay bartamaha degmada Karaadaha ayaa ahaay kii ugu dhimasho badnaay ee loo adeegsado hal bambo kana dhaca caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ka dib sannadkii 2003-kii weerarkii uu hogaaminaayey Maraykanka ee xukunka looga tuuray kaligii taliyihii reer Ciraaq Sadaam Xuseen.
Laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Ciraaq ayaa sheegay in ninka la qabtay la yiraahdo Gaswaan Al-zobaay kaasoo lagu soo qabtay hawlgal eey iska kaashadeen dalka Ciraaq iyo dal kale oo deris la ah Ciraaq balse aan la sheegin magaciisa,ninkaan ayaa la raadinaayey muddo bilo ah waxaane dalka Ciraaq loo soo gacangeliyey laba maalin ka hor.XIGASHO AP.