CIIDAMADDA ITOOBIYA OO WEERARAY TIGRAY.
CIIDAMADDA ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Wararka ka imaanaayo dalkaasi Itoobiya ayaa sheegaayo in ciidamadda cirka ee dalkaasi Itoobiya eey weerar u qaadeen caasimadda gobolka waqooyi ee dalkaasi Itoobiya ee Tigray maanta oo Jimca ah,sida eey ku soo warameen warbaahinta maxaliga ah. Weerarka eey geysteen ciidamadda cirka ee Itoobiya ayaa waxa uu soo dumiyey dhismayaal fara badan kuna yaalo gobolka Tigray waxaane la arkaayey hayadaha caafimaadka kana hawlgala Tigray oo soo daad gureynaayo dadkii dhaawaca ahaay. Tv-Tigray oo ka soo hadlaayey goobaha eey soo gaareen waxyeeladda ayaa muujinaayey burbur soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid weday macaawino loo weday dadka tabaaleysan.
ISHA WARKA AA.