CIIDAMADDA DELTA FORCES MAKU GUULAYSAN DOONAAN…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DELTA FORCES.

(WASHINGTON)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Israa’iil Sabtidii la soo dhaafay waxaa isa soo taraayyey wararka sheegaayo in dawladda Maraykanka ciidamadeeda gaarka ah ee loo yaqaan Delta Forces ey ka qeyb qaadan doonaan dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Israa’iil gaar ahaan ciidamadda Delta Forces ayaa loogu talagalay ineey xoog ku soo furtaan Maxaabiista ku jirta gacanta Xamaas kuwaaso tiradooda lagu sheegay iney dhan tahay 150 ilaa 200 una badan saraakiil iyo dad kale oo Ajaanib ah. Ciidamadda gaarka ah ee dalka Maraykanka ee Delta Forces ayaa horay waxa ey uga qeyb qaateen weeraro lagu soo furanaayo dad ajaanib ah ey haysteen kooxo argagixisa ah,hawlgaladaasi ayaa qaarkood waxa ey ku soo dhammaadeen guul darro halka kuwa kale lagu guulaystay,in ciidamadda Delta Forces ka garab dagaalaan kuwa Israa’iil ayaa leh macna gaar ah taaso ah in Xamaas iyo Israa’iil ey soo dagaalamayeen in mudda ah kalana qabsanayeen maxaabiis balse markaan arrinku sidaas waa ka duwan yahay oo waxaa jab xoogan loo gaystay ciidamadda Israa’iil ee uu tababaray Maraykanka.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

KUMUU AHAAY MAXAMED AL-ZAWARI?

Next
Next

KENYA OO CABSI LA SOO DERISTAY,SABABTA?