CIDAMADA AMANKA CIRAAQ OO…
BANAANBIXII BAQDAAD.
(BAQDAAD)-Maalmihii la soo dhaafay dalka Ciraaq waxaa ka jiray banaanbaxyo lagu diidan yahay magacaabidda Reysal Wasaare si uu u soo dhiso dawlad cusub,waxaane arrintas ka dhashay in taageerayaasha hogaamiyaha diimeed ee dalkaasi Muqtada Al-Sadri ineey u dhacaan gudaha aqalka baarlamaanka dalka Ciraaq.Reysal Wasaarihii hore ee dalkaasi Ciraaq Nuur Al-Maaliki oo isna Shiica ah gacan saarna la leh dalka Iraan ayaa ah shaqsiga eey is haayaan Muqtada Al-Sadri waane ninka loo wado inuu noqdo Reysal Wasaaraha cusub waane arrin si fiican u kala jebinayso xogaga Shiicadda dalkaasi Ciraaq oo talada dalkaasi haayey tan iyo markii xukunka laga tuuray Sadaam Xuseen,hadaba maalintii shalay oo Sabti ahayd ayey ciidamadda amaanka dalkaasi Ciraaq u dhaqaaqeen ineey gudaha aqalka Baarlamanka ka saaraan taageerayasha Al-sadri waxaane halkaasi ka dhashay dhaawacyo fara badan soona kala gaaray labada dhinac,taagerayash Al-sadri ayaa waxaa ka dhaawacmay 100-qofood halka ciidamadda amaanka eey kaga dhaawacmeen 25-akseri sidaas waxaa sheegay wasiirka caafimaadka dalkaasi Ciraaq,waxaane jirtay in gudoomiyaha barlamanka Ciraaq uu baabi’iyey fadhiyadda ila waqti dambe oo dib lagaq soo sheegi doono.
ISHA WARKA AA.