BURUJEED OO LAGU XASUUQAY ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-G/LE.CISMAAN CALI HUDEEY.
(GURICEEL)-Wararka ka imaanayo degaanka Burujeed kana tirsan degmada Guriceel una dhexeeyo degmooyinka C/buur iyo Guriceel bartamaha Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaasi saakay (6:30)-subaxnimo ey kooxda Alshabaab ku soo qaaday weerar,degaanka Burujeed ayaa dhaca dhulka u dhexeeyo degmooyinka C/buur iyo Guriceel waxa uuna degmada C/buur u jiraa 40-kiilomitir halka uu degmada Guriceel u jiro 70-kiilomitir. Degaanka Burujeed ayaa saldhig u ahaay Guutada 15-aad ee Qeybta 21-aad ee Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga degaanka oo ka soo kala jeedo degmooyinka C/buur iyo Guriceel,weerarka ey soo qaaday kooxda Alshabaab ayaa waxa uu ku bilawday ismiidaamin oo waxaa is qarxiyey rag lagu soo xiray waxyaabaha qarxa balse ciidamadda iyo xoogaga degaanka ayaa la socday dhaqdhaqaaqa kooxda Alshabaab ey ka waday hareeraha degaanka Burujeed waxayne taasi sahashay inuu yaraado khasaaraha soo gaaray Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga degaan oo laba saldhig ka kala degaanay degaanka Burujeed,sida ey sheegeen dadka degaan Burujeed Ciidamadda ku sugnaay Burujeed ayaa ahaay kuwa horay uga tirsanaay ciidamadii Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku biiray Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaaso dhul balaaranka xureeyey kooxda Alshabaab waqtigii ey maamulayeen G/gaduud. Kooxda Alshabaab ee soo gashay degaanka Burujeed ayaa waxa ey dab qabadsiisay guryihii shacabku lahaay markii ey ka cararayeen degaanka waxaane la soo sheegayaa in kooxda Alshabaab uu dagaal culus laguna xasuuqay uu ku qabsaday wadaddii ey ku baxsanayeen waxa eyna is fara saareen ciidamo gurmad ahaay kana kala yimid Guriceel,Dh/mareeb,Bulacle iyo Matabaan. Sida ey sheegeen dadka degaanka dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Burujeed ayaa waxaa dhaawac fudud uu soo garay Taliyihii saldhiga degmada Guriceel G/Le.Cismaan Cali Hudeey iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee dedmada Guriceel Md.Shaafici Jaamac Cabdi,dhinaca kooxda Alshabaab ayey sheegeen dadka degaanka in dagaalka kooxda looga dilay ilaa 20-maleeshiya ah kuwaaso weli meydadkoodu yaaliin goobihii lagu dagaalamay. DFS ayaa la sheegay iney diyaarad u dirtay degmada Guriceel si ey halkaasi uga soo qaado dhaawacyada culus ee ka tirsan CXDS iyo xoogaga degaanka,dagaalka oo hadda ka socdo degaanka Biya Cadde oo ka xageeyo degaanka Wabxo una jiro 20-kiilomitir degmada C/buur. Wixii war ah ee soo kordha filo goor dhaw.
ISHA.SUUQ-BACAAD MEDIA.