BASHIIR OO LACAGO CADIIN AH U XAWILAY SOOMAALIYA.
Ilo dhinaca amniga ah ayaa warbaahinta la wadaagay in Bashiir xiriir la lahaay kooxo argagixso ah kana jiro gudaha dalka soomaaliya.Ganacsade Bashiir ayaan muujin wax calaamada cabsi ah ka hor inta aan la waaynin waxa uuna soomaaliya u diray lacah fara badan oo lagu maalgelinaayey mashaariic dhismo waxaane sidaas sheegay mid ka mida agaasimeyaasha shirkadiisa.
Madaxa hawlgaladda ee shirkadda bashiir( The infinity Devlopment Limited) Leonard Makokha ayaa yiri”Bashiir waxa uu Muqdisho u diray malaayiin doolar uu ku maalgelinayey DFS iyo mashaariic eey leedahay UN-ka”. Mr.Makokha ayaa sheegay in wejiga labaad ee mashruuca eey maalgeliso(UNOPS) kalana ah maxkamad iyo xabsi kuwaasoo dhamman ku yaalo Muqdisho ayaa waxaa ku baxday lacag dhan $ 1.8-milyan,dhismayaashaas ayaa qeyb ka ahaay dhismayaal eey qaadatay dhisidooda shirkadda Infinity,dhinaca kalane shirkada ayaa cusboonaysiisay xarunta dhallaanka ee SOS waxaane ku baxday lacag dhan $ 1.2-Milyan,dhamman mahaariicdaas waa la dhammeeyey. Mashaariicda kale eey shirakadda INFINITY ka fulisay Muqdisho ayaa waxaa ka mida dib u dhiska xarunta wasaaradda caafimaadka soomaaliya iyo cusboonaysiinta madaxtooyadda(VILLA SOMALIA). Labadaan mashrruc ee dambe ayaa lagu dhisay magacii hore ee shirakadda ee ahaay HORN CONSTRUCTION.
Markii la baaray shirkadda Infinity ayaa waxaa la ogaaday ineey in shirkada ku diiwaan gashantahay magaca Bashiir iyo walaashiis Hani waxa eeyna ku diiwaan gashan yihiin labadooda iney shirkadda ka yihiin agaasimeyaal.XIGASHO THE NATION-NAIROBI.